1,183 oo qof ayaa imtixaanka macalimiinta maanta ufariisatey deegaanada Jubbaland

110
Iyadoo maanta ay imtixaanka macalimiinta ufariisanayaan 13,250 qofood oo soo codsadey ka mid noqoshada liistiga ay doonayso inay hab macalinnimo ushaqaalaysiiso wasaarada waxbarashada somaaliya
Ayaa imtixaanka waxaa uu ka dhacaya dhammaan state-yada dalka marka laga reebo Puntland.
Jubbaland ayaa kamid noqotey maamulada qaybta ka ah imtixaankan nasiibkana u helay fursadan lagu shaqaalaysiinayo dhalinyarada dalka wax ku baratey waxaana uu imtixaanka ka dhacayaa 5 xarumood oo kala ah , Kismaayo ,Garbahareey, Baladxaawo iyo Dhoobleey
Wasiirka waxbarashada Jubbaland Mudane Cabdi Naasir Seeraar Maax oo ka hadlay daahfurka imtixaanka ayaa guul urajeeyay dhammaan macalimiinta imtixaanka ufariisatay maanta wuxuuna sheegay in ujeedka galista imtixaanka ay tahay in aqoon ahaan loogu kala reebo dadka soo codsadey fursadan macalinnimo sidookalana waxyaabaha ay wasaarada waxbarashada ay qiimaynayso ay kamid tahay aqlaaqda iyo howlkarnimada qofka .
Waxaa uu dhankale wasiir Seeraar sheegay in qofkasta halkii ama deegaankii uu ku codsadey shaqada macalinimo uu ka shaqayn doono isagoo ugu danbayn umahad celiyay wasaarada waxbarashada somaaliya oo fursadan oga faaiidaysay Bulshada somaaliyeed .
Wasaaaradda waxbarashada somaaliya ayaa sanadkii hore shaqaalaysiisay tira macalimiin gaaraya ilaa 3000kun oo macalimiin oo ka faaiidaysatay fursadan iyadoo lagu kala reebay imtixaan laga qaaday waa markii labaad sanadkan ay wasaarada waxbaerashada somaaliya ay doonayso inay macalimiin kale shaqaalaysiiso imtixaan ceenkan ahna ay qaado.