Munaasabad ka dhacday Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Jubbaland

138
Munaasabad ka dhacday Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Jubbaland ayaa waxaa xilalka kula kala wareegay Agaasimihii hore ee Wasaaradda Cabdishukri Carab Cumar iyo Agaasimaha cusub ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha mudane Idriis Xassan Maxamed oo laga soo badalay Wasaaradda Haweenka.
Munaasabadda xilwareejinta waxaa goob joog ahaa Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Jubbaland, Gudoomiyaha Gudiga Shaqaalaha rayidka iyo kuxigeenkiisa, iyo shaqaalaha kala duwan ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Jubbaland.