Gudoomiye ku xigeenka Amniga iyo siyaasada Degmada Doloow Aadan Bare Cali ayaa shir gudoomiyey kulanka amniga guud Degmada iyo degaanada hoos yimaada.
Kulanka oo ay ka qeyb galeen xubno ka mid ah maamulka, Taliyayaasha Ciidanka Nabadsugida Booliska Degmada Doloow Gudoomiyaha ururka haweenka Gudiyada xaafadaha iyo kaamaka barakayasha ayaa waxaa looga hadlay adkaynta amniga sare u qaadida nabadgalyada magaalada, degaanada hoos yimaada iyo ilaalinta xuduuda oo si dhuumalaysi looga soo gudbiyo maandooriyaha kadibna loo siii gudbiyo gobolada dalka.
Degmada Doloow oo ay deganyihiin qaar ka mid haayadaha qaramada midoobey islamarkaana ay ku nool yihiin kumanaan barakacayaal ah ayaa amnigooda waxaa iska kashada Maamulka laamaha amniga, Gudiyada xaafadaha iyo qayabaha kale duwan ee bulshada.