Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Dawladda Jubbaland ayaa maanta la wareegtay talaalka xoolaha oo uga yimid Wasaaradda Xanaanada, Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Munaasabadda ay Wasaaradda kula wareegaysay talaalka kala duwan ee xoolaha waxaa goob jog ahaa Wasiirka Wasaaradda Xanaanada, Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Dowladda Jubbaland mudane Maxamed Nuur Cali, Wasiir kuxigeenka Wasaaradda, Agaasimaha guud ee Wasaaradda iyo xubno kale.
Talaalka manta ay la wareegtay Wasaaradda Xanaanada, Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Dowladda Jubbaland ayaa ka kooban sadex qeybood oo muhiim u ah daaweynta Xoolaha noocyadooda kala duwan, sida qorshaha uu yahay Wasaaradda waxa ay diyaarisay qorshaha daweynta xoolo gaaraya hal milyan oo neef sadexda bilood ee nagu soo aadan.