Maleeshiyaad ka tirsan khawarijta oo goor dhow qarax kula kacay deegaan lagu magacaabo Laaggan,

210
Maleeshiyaad ka tirsan kooxda Argagixisada ah oo sitay gaari nooca lagu magacaabo Succeed ayuu goor dhow qarax kula kacay deegaan lagu magacaabo Laaggan oo u dhexeeya deegaanada kala ah Guduudey iyo Buulo-bacaad oo ka tirsan gobolka Jubada hoose.
Sida aanu xogta ku helnay gaariga qaraxu haleelay waxaa saarnaa shan kamida maleeshiyaadka Argagixisada waxaana ay wadeen walxaha qarxa oo ay doonayeen in ay ku dhibaateeyaan dadka deegaanka balse markan dhagartii ay maleegayeen waxa ay salfatay nolosha dhagarqabayaashii saarnaa gaariga dhamaantood.
Dadka deegaanka uu qaraxa kula kacay Argagixisada oo qaarkood ii xog waramay ayaa ii xaqiijiyay in gabi ahaanba uu bas belay gaarigii ay wateen dhagar-qabayaasha iyagiina hilbahooda uu cadba meel ku dhacay, sidoo kale dadku waxa ay ii sheegeen in maleeshiiyaad ka tirsan Argagixisada ay deegaanka soo gaareen kuwaas oo dadka rayidka ah handadaya islamarkaana dareemaya xanuunka iyo uur kutaalada uu leeyahay qaraxa ay maalin walbo ku dhibaateeyaan dadka Soomaaliyeed ee la daala dhacaya duruufaha kala duwan.
Argagixisada sanadkan 2024-ka ma ahan mid u wanaagsan marka laga hadlayo ku dhuumaalaysigooda qeybo kamida gobolka Jubada hoose waxa ay wajahayaan xaalad adag, waxa ay waayeen boqolaal kamida dhiigyacabka aanan garanaynin hadaf iyo ujeedo ay u dagaalamayaan kuwaas oo ku baxay gacanta halyeeyada Jubbaland iyo kuwa xoogga dalka ee howlgalada xooggan ka wada Jubada hoose.