Ciidanka Xoogga Dalka oo ku guuleystay fashilinta miinooyin.

190
Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgallo ka dhan Khawaarijta ka wada bariga gobolka Galgaduud ayaa ku guuleystay inay fashiliyaan miinooyin ay Khawaarijtu ku aaseen wadada isku xirta deegaanada Mesagawaay iyo Baraag Sheekh Caamir.
Kooxaha Khawaarijta ah ayaa doonayey in miinooyinkaas ay ku dhibaateeyaan dadka shacabka ah ee ku safra wadadaas, balse Ciidanka Qaranka ayaa ka hortegay, iyagoo soo bandhigay miinooyinkii ay ka soo saareen wadada xiriirisa Mesagawaay iyo tuulada Baraag Sheekh Caamir ee gobolka Galgaduud.