
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa la kulmay Madaxa Dhadhaqaaqa Al-Xikma ee dalka Ciraaq, Sheekh Cammaar Al-Xakiim.
Ra’iisul Wasaaraha iyo Hoggaamiye Al-cammaar ayaa ka wada hadlay xiriirka taariilkhiga ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Ciraaq, iyadoo mudnaanta la siinayo iskaashiga heer Carbeed ee arrimaha masiiriga ah.
Sheekh Cammaar Al-Xakiim ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga warbixiyey dhaqdhaqaaqa Al-Xikma ee hormuudka u yahay, kaas oo door wanaagsan ka qaata siyaasadda dalka Ciraaq, isaga oo muujiyey sida uu ugu faraxsan yahay in dib loo cusboonaysiiyo xiriirka labada dal.