Guutada Birjeex ee ciidamada Daraawiishta Jubbaland ee ka hawlgala deegaanka Buulo-xaaji oo dhawaan laga xoreeyay Khawaarijta ayaa Howlgal qorsheysan oo ay halkaasi ka fuliyeen kusoo qabtay mootooyin sadex ah oo ay wateen dhagarqabayaal ku dhuumaalaysanayay deegaano hoostaga Buulo-Xaaji.
Dhanka kale Ciidamada Daraawiishta gaar ahaan Guutada Birjeex waxaa isku soo dhiibay afar kamida khawaarijta oo u adkeysan waayay caqabadaha waqtigan ay wajahaan Argagixisada iyagoo xiriir la soo sameeyay saraakiisha si ay u noqdaan kuwo ka tanaasulay fikirka xagjirnimada ah.
Mootooyinka ay ciidamadu soo qabteen waxa ay kuso qabteen oo isticmaalayay labo dhagar qabe oo is lahaa si dhuumaalaysi ah ku jooga deegaanada hoos yimaada deegaanka Buulo-Xaaji ee gobolka Jubada hoose, hasayeeshe waxa ay gacanta u galeen geesiyaasha Ciidamada Jubbaland kuwaas oo har iyo habeenba u taagan dabar goynta Argagixisada.
Col. Cabdikaafi Dayib Talyaha Guutada Birjeex ee ciidamada Daraawiishta Dowladda Jubbaland oo si gaara ula hadlay warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in ciidamadu ay ku raad joogaan dhagar qabayaal kale ooo xogtooda ay hayaan kuwaas oo doonaya in ay ka shaqeeyaan dhibaataynta dadka rayidka ah.