Magaalada Kismaayo waxaa maanta si rasmi ah uga furmay Shirweynaha Haweenka Jubbaland oo socon doona muddo sadex cisho ah.
Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Dowladda Jubbaland ayaa so qaban qaabisay, Shirweynaha Haweenka Jubbaland oo ay ka qeyb galayaan Haween ka kala socda degmooyinka kala duwan ee Jubbaland.
Shirweynaha oo hadda furmay waxaa kasoo qeyb galay Gudoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Wakiilada, Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha, Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha, Wasiirka Wasaaradda Amniga, Sii hayaha Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka, Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Waxbarashada, Xildhibaano heer State iyo heer Federaal Odayaasha dhaqanka iyo marti sharaf kale.