Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Jubbaland ayaa ka daah-furay magaalada Dhoobley ee gobolka Jubada hoose kulan latashi dadweyne oo ku saabsan Cutubyada 5-9aad ee Dastuurka

209
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Jubbaland mudane Cabdullaahi Cabduqaadir Aadam ayaa ka daah-furay magaalada Dhoobley ee gobolka Jubada hoose kulan latashi dadweyne oo ku saabsan Cutubyada 5-9aad ee Dastuurka Kumeel gaar ah ee Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya.
Kulankan oo socon doona muddo saddex cisho ah ayaa waxaa ka qaybgalaya qaybaha kala duwan ee Bulshada iyo laamaha Dawladda ee degmada Dhobley oo ay ka mid yihiin, Odayaasha dhaqanka, Haweenka, Dhalinyarada, aqoonyahanka, Garsoorka, Booliiska iyo maamulka Degmada.
Agaasimaha Wasaaradda Cadaaladda ayaa tilmamaay muhiimadda uu leeyahay kulanka, isagoo tilmaamay in magaalada Dhoobley ay hormuud u noqotay latashiyada dadweynaha ee dib u eegista Dastuurka KMG ee Soomaaliya, sidaas darteed laga rabo dadweynaha magaaladu in ay sifiican uga qaybgalaan doodaha kana dhiibtaan aragtidooda Cutubyadaan horyaala, iyadoo aragtiyadooda lala wadaagi doono Hay,daha u xilsaaran dib u eegista Dastuurka.