Wasiirka Wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Jubbaland ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Madax ka socotay WFP iyo WRRS kuwaa oo ka socday Mashruuca BAXNAANO.
Wasiirka waxaa shirka ku wehlinayay Wasiir ku xigeenka Wasarada, Agaasimaha guud iyo Agaasimo waaxeedyada Wasaarada iyo lataliyaha Wasaarada ee arrimaha ilaalinta bulshada.
Ujeedada shirka ayaa ahaa in laga wada hadlo istiraatijiyadda bixitaanka WFP ee mashruuca Baxnaano, iyadoo la diyaarinayo in ay dowlada la wareegto wajiga labaad ee Mashruuca Baxnaano.
Gaba-gabadii ayaa waxaa shirka soo xira Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha bulshada Jubbaland mudane Mohamed Ahmed Ali, waxaana lagu balamay in la tago goobaha uu ka socday mashruuca si loo indha-indheeyo wixii qabsoomay iyo sida ay bulshada uga faa’iideysteen Mashruuca Baxnaano.