Dalkeena Somaaliya oo ka qeyb galey tartanka kubadda cagta diblomaasiyiinta ee magaalada Beijing

186

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Shiinaha Danjire Cawaale Cali Kullane ayaa hambalyo u diray dhammaan xubnaha kooxda Soomaalida iyo diblomaasiyiinta safaaradda ee ka qeyb galay tartanka kubadda cagta diblomaasiyiinta ee ka dhacay magaalada Beijing ee caasimadda dalka Shiinaha.

Danjiraha ayaa bogaadiyay wacdaraha ay kooxdu soo bandhigtay, wuxuuna sidoo kale u mahadceliyay dhammaan taageerayaashii kooxda dhiirigelineysay intii ay ciyaaruhu socdeen iyo qaban qaabiyaasha tartanka kubadda cagta Beijing ee diblomaasiyiinta (Beijing Diplomats Sports Football Tournament) oo shaqadan muhiimka ah qabtay.

Sidoo kale, warka ay soo saartay Safaaradda Soomaaliya ee Beijing, waxay ku sheegtay in ay ku faraxsan tahay ka qeyb galay tartankan oo ay qeyb ka ahaayeen kooxo ka socday 32- waddan, wuxuuna tartankan ujeeddadiisu ahayd is-dhexgalka iyo wadaagidda dhaqanka xubnaha diblomaasiyiinta ee ku sugan magaalada Beijing.

Kooxda kubadda cagta ee Soomaaliya ku mataleysay tartankan waxay soo bandhigeen ciyaar xirfad iyo wanaag-ba leh,iyagoo la ciyaaray koox adag, waxayna kooxdii Soomaaliya ku mataleysay tartankan ku guuleysteen in ay galaan kaalinta saddexaad ee tartanka.

Tartankan ayaa ah madal lagu soo bandhigo hibada ciyaaraha, sidoo kalena waa fursad wanaagsan oo lagu sameeyo shabakado lagu xoojiyo xiriirka diblomaasiyadeed ee xubnaha safaaradaha Beijing.