Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Jubbaland oo kulan la qaatay wafti sare ee ka socdo hay’adda IOM,

258
Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga caalamiga ah ee dowladda Jubbaland oo ay waheliyaan Wasiiradaha Caafimaadka iyo Cadaalada Jubbaland ayaa kulan la qaatay masuuliyiin iyo xubno wafti sare ah oo ay hogaaminaysay ku-xigeenka wakiilka hay’adda socdaalka Aduunka ee IOM u qabaabilsan Soomaaliya.
Kulanka ayaa lagu gorfeeyey xoojinta iskaashiga iyo wadatashaqaynta wasaaradaha bahwadaagta shaqo la ah hay’adda IOM iyo sidii loosii ambaqaadi laha mashaariicda hormarineed ee ay Hay’addu ka waddo deegaanada Jubbaland kuwaas oo muhiimad gaar ah siinaya adeegyada kala duwan ee mudnaanta sare u leh bulshada.
Shirka ayaa sidoo kale waxaa goob joog ahaa masuliyiin ka socday wasaaradda qorshaynta dowlada Fadaraalka Soomaaliya, qaar ka mid ah Agaasimayaasha Wasaaradaha dowladda Jubbaland iyo Gudoomiye ku-xigeenka Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Jubbaland iyo masuuliyiin kale.