
Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/Guuto. Sulub Axmed Firin ayaa maanta Kormeeray Dugsiga Hoose,Dhexe iyo Sare ee Xarunta Barbaarinta Caruurta Boliiska Soomaaliyeed,
U jeedka Kormeerka taliyaha ayaa ahayd inuu qiimeeyo habka ay wax u bartaan Caruurta Agoonta ee Boliiska Soomaaliyeed,isagoo mid Mid u Booqday Fasalada ay waxku-bartaan Caruurta.
Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa caruurta agoonta ah wuxuu ku dhiiri-galiyey inay ka faa’iideystaan waqtiga iyo Macalimiinta waxbaraysa.