Xiriirka kubbadda Cagta oo qalab nuucyo kala duwan ah ugu deeqay ururka kubbadda Cagta gobalka ee Banaadir

210

Xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta ayaa si casri ah u qalabeeyay xafiiska cusub ee ururka kubbadda Cagta gobalka Banaadir oo laga hir geliyay degmada Xamar weyne.

“Xiriirku wuxuu horay usoo qalabeeyay xafiisyo badan oo ururrada kubbadda cagta goballadu ay ku shaqeeyaan ujeedaduna waxay tahay in ururrada kubbadda cagtu ay yeeshaan xafiisyo ay waajibaadkooda shaqo ku gutaan si howsha horumarinta kubbadda cagtu ay si habsami leh ugu socoto” ayuu munaasabadda furitaanka xafiiska cusub ka sheegay guddoomiye Cali Cabdi Maxamed.

Dhanka kale guddoomiyaha ayaa ururka kubbadda Cagta gobalka Banaadir ugu deeqay 100 kubbadood si ay ugu horumariyaan dhallin yarada kubbadda jecel ee gobalka.

Xafiiskan ayaa waxaa si wada jir ah xarigga uga jaray gudoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada gobalka Banaadir mudane Cabdi Casiis Cismaan Maxamed iyo gudoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda Cagta mudane Cali Cabdi Maxamed.