Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta kaga qayb galay magaalada Doxa ee dalka Qadar Kal-fadhiga Saddexaad ee Madasha Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Carabta , dalalka Bartamaha Aasiya iyo dowladda Asarbijaan.
Kalfadhigan oo uu halku-dhiggiisu yahay βFursadaha iskaashi wadajir ah oo ku salaysan himilooyinka iyo caqabadaha dowladaha labada gobol ayaa sidoo kale looga hadlayaa iskaashiga dhinacyada siyaasadda, dhaqanka iyo dhaqaalaha.
Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS ayaa shirka ka dib lagu wadaa in uu kulan doceedyo la qaato madaxda ka qayb gashay madashan.