
Shirkaan waxaa furay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta XFS mudane Cali Yusuf Cali, iyadoo inta uu socdo looga hadli doono daadajinta adeegyada dowladaha hoose.
Waxaa ka soo qayb-galay shirkaan Masuuliyiin ka socota Wasaaradaha Arrimaha Gudaha Dowlad Goboleedyada, Maamulka Gobolka Banaadir iyo xubno ka socda Maamulka Kumeel-gaarka ah ee SSC-Khaatumo
Sidoo kale Kulanka waxaa qayb ka ah, saaxiibada Beesha caalamka ee taageera Mashruuca Dowladaha Hoose ee JPLG-ga.