Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Jubbaland oo qabatay Munaasabad lagu soo xirayay mashruuca Sagal

268
Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dowaladda Jubbaland ayaa maanta qabatay Munaasabad lagu soo xirayay dibna loogu milicsanayay mashruuca Sagal oo socday 2020-2024.
Mashruucan ayaa ahaa mid ay ka faa’iideysteen 11857 qoys oo ku kala sugan degmooyiinka Kismaayo, Baladxaawo iyo Doolow, iyadoo si gaar ah looga faa’iideeyay hooyooyiinka Uurka leh, dadka baahiyaha gaarka ah qaba iyo dadka da’da ah kuwaas oo mashruucan uu noloshooda wax badan ka badalay
Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Jubbaland, Xildhibaan Shire Cabdi Maxamed, Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada degmada Kismaayo, masuuliyiin iyo marti sharaf kale ayaa kasoo qayb galay munaasabadda.
Qaar kamid ah ka faa’iideystayaashii Mashruuca Sagal ayaa u mahadceliyay dhinacyadii mashruucan fududeeyay, iyagoona codsaday in dib loogu cusbooneysiiyo, waxaa ayna Xuseen muhiimadda uu mashruucan u lahaa.