Dhageyso: Qudaar yari laga soo sheegayo Magaalada Dhooblay.

213
default

Suuqa qudaarta ee magaalada Dhoobley ayaa waxaa laga dareemayaa Sara u kac ku yimid qiimaha lagu iibiyo qudaarta qeybaheeda kala duwan qudaarta lagu iibiyo magaaladaasi ayaa waxa ay ka timaataa magaalada Gaarisa ee gobolka waqooyi bari ee Wadanka Kenya.

Waxaana hakad uu ku yimi gudaartii laga keeni jiray Kenya taasi oo loo sababeeyay Roobka guga oo si xoogan uga da’ay Gaarisa iyo oo laga keeni jiray qudaarta, waxaana go’ay jidkii loo mari jiray ee qudaarta iyo badeecadaha qaar ugu imaani jaray Dhoobley.

Waxaa sidookale xiran waddooyiinka u dhaxeeyey Kismaayo iyo Dhoobley taas oo iyana badeecadaha iyo qudaarta qaar ay ka heli jirtay magaaladaan, Mana jiro hadda wax gaadhi ah oo toos u aadi kara Dhoobley iyadoo maalmihii la soo dhaafay ay da’ayeen roobaba xooggan.

Hadabo qaar ka mid ganacsatada Suuqa qudaarta Dhoobley oo la hadlay Radio Kismaayo ayaa inaa xaqiijiyey arrintaan, ayagoo noo sheegay in hadda uu jiro sare u kac kii ugu darnaa oo ka jira Qudaarta Magaalada Dhoobley.

Arrintaan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo asbuucyadii la soo laga digayey in ay ka da’ayaan dalka roobab xooggan oo wata daadad geeysan karana qasaara kala duwan.