Somaaliya oo ka qayb gashay shirka xal uhelida arrinta walaalaha reer Falastiin ee ka dhacaya dalka Turkiga

263
Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo marti qaad rasmi ah ka helay dowladda Turkiga ayaa maanta ka qeyb galay shirka 5-aad ee Baarlamaanka Al-Qudus oo uu si rasmi ah u furay Madaxweynaha Jamhuuriyadda aynu walaalaha nahay ee Turkiga Mudane Recep Tayyip Erdogan.
Shirka ayaa waxaa diirada lagu saaray sidii xal waara loogu gaari lahaa arrinta walaalaha reer Falastiin, waxaana goobjoog ahaa madax kala duwan oo ka kala timid , Afrika, Aasiya, Ameerika iyo Yurub, waxana dhamman madaxda ay aragtidooda ku cabireen qadiyadda Falastiiniyiinta oo ay taageero buuxda u muujiyeen.