Safiirka JFS ee dalka Shiinaha Amb. Kullane oo ka qeyb galay shirka iskaashiga Shiinaha iyo Afrika

269

Safiirka Soomaaliya ee dalka Shiinaha Amb: Cawaale Kullane Cali ayaa Khudbad muhiim ah ka jeediyay daah-furka shirka Shiinaha iyo Afrika, kaas oo ka dhacay dhismaha xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada Beijing.

Shirkan oo ay soo agaasintay Hay’adda (UNGC), ayaa waxaa diirada lagu saaray sida loogu baahan yahay in si wadajir ah looga shaqeeyo horumarinta dalalka soo koraya ee qaaradda Afrika.

Danjire,  Cawaale Cali Kullane, ayaa carabka ku adkeeyay muhiimadda iskaashiga Afrika iyo Shiinaha ee ku aaddan gaaridda yoolalka horumarineed ee joogtada ah, wuxuu sidoo kale tilmaamay doorka Soomaaliya ee ku aaddan dhiirrigelinta maareynta deegaanka iyo horumarka bulshada.

Shirka waxaa ka soo qayb galay masuuliyiin ka kala socda qeybaha dowladda iyo hay’adaha caalamiga ah, kuwaas oo ka wada hadlay kor u qaadista iyo tayeynta shirkadaha Shiinaha ee ka howlgala Afrika, gaar ahaan mashruucyada sida Fosun Pharmaceutical iyo kan Huawei ee Afrika, ayaa tusaale loo soo qaatay  faa’iidooyinka ka dhasha iskaashiga noocan ah.