Taliyaha ciidanka xoogga dalka oo booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya

202
Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin iyo saraakiil uu hoggaaminayay ayaa kormeer ku tegay xarunta Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya, halkaasi uu ku soo dhaweeyay Safiirka Soomaaliya Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle iyo qaar ka mid ah diblomaasiyiinta Safaaradda.
Taliyaha iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay arrimo badan oo ku saabsan xaalada dalka iyo dadaallada dowladdu ugu jirto la dagaallanka khawaarijta,
Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa sheegay in Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaad ay xilli waliba diyaar u yihiin ka qaadashada Xoraynta dalka horumarka Soomaaliya.