
Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Xildhibaan Jibril Abdirashid Haji Abdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka hay’adda UNDP ee Soomaaliya Mr. Lionel Laurens oo ay ka wada-hadleen iskaashiga labada dhinac, horumarinta ganacsiyada gaarka ah, shaqo abuurka iyo guud ahaan kobaca dhaqaalaha ee wadanka.
Kulanka, ayaa lagu falanqeeyey waxyaabaha mudnaanta u leh Wasaaradda gaar ahaan samaynta aaga dhaqaalaha ee wadanka, fududeynta ganacsiga, iyo weli ba horumarinta iyo taageeridda ganacsiyada yar yar iyo kuwa dhaxe si kor looggu qaado shaqo abuurka.