
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Caasimadda Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa shir Gudoomiyay Shirka Amniga Caasimadda iyo kor u qaadida bilicda caasimadda Muqdisho.
Shirka waxaa ka soo qeyb galay Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Sulub Axmed Firin iyo Taliyaha Hay’adda NISA C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).
Sidoo kale waxaa warbixino laga dhageystay Taliyayaasha Booliiska iyo Nabad-sugidda Gobolka Banaadir, Gudoomiyeyaasha Dagmooyinka Gobalka Banaadir, Saraakiisha fadhiyada madaxa banaan, Taliyaasha Qeybaha Booliiska iyo Nabad-sugidda iyo Taliyaasha Saldhigyada Gobolka Banaadir.
U jeedka Shirka ayaa ahaa daadajinta amniga Caasimadda iyo nawaaxigeeda iyo sidii loo bilaabi lahaa isla xisaabtan dhab ah oo la xiriira amniga guud ee Caasimadda iyo nawaaxigeeda.