Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo laba jibbaaray howlaha amni ee Caasimadda

218

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeyo Guuto; Sulub Axmed Firin, ayaa xalay cutubyo ka tirsan Ciidanka Booliiska kala qeyb galay afur wadareed.

Ujeedka afur wadareedka ayaa ahaa dhiirri gelin iyo in la laba jibbaaro holwaha shaqo ee horyaalla Ciidanka, maaddaama ay nagu soo food leedahay maalmaha farxadda Ciida.

Sarreeyo Guuto; Sulub Axmed Firin oo afurka ka dib la hadlay Ciidanka ayaa faray in la dardar geliyo howlaha shaqo ee horyaalla iyo sidii sare loogu qaadi lahaa arrimaha amniga Caasimadda iyo nawaaxigeeda.

Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa muddooyinkii dambe waday dedaallo lagu xoojinayo ammaanka guud ee dalka gaar ahaan Caasimadda oo muddooyinkii dambe laga dareemayay degganaan.