Baarlamaanka oo Cod aqlabiyad ah ku ansixiyey dhamaystirka Dastuurka

303

Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta meel mariyey dhamaystirka Dastuurka oo soo maray marxallado kala duwan,xubnaha labadda gole ayaa saaka subaxnimadii hore ba iska soo xaadiriyey xarunta Golaha ee Villa Hargeisa.

Kulanka ayaa waxa soo xaadiray 254 mudane oo isugi jiray 212 Xildhibaan oo golaha Shacabka ah iyo 42 Senator oo aqalka sare ah,Guddoomiyaha golaha shacabka Sh Aadan Maxamed Nuur Aadan Madoobe ayaa ku dhawaaqay natiijada codaynta Ansixinta Dastuurka isagoo ku dhawaaqay in ansixinta Dastuurka ay cod aqlabiyad ah ku meel mariyeen 254 Mudane.

Wax ka beddelka iyo dhamaystirka dastuurka ayaa qoddobada ugu muhiimsan waxa ka mid ah in haykalka xukunka loo guuray Madaxweyne ay Shacabka Soomaaliyees toos u soo dooranayaan iyo Raā€¯iisul wasaare uu magacaabayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale xubnaha Gudidda doorashooyinka iyo Soohdimaha ee Heer federaal ayaa tiradooda laga dhigay 18 xubnood.