Guddooomiye Sheekh Aadan Madoobe oo warbixin ka siiyay Xubnaha Guddiga Joogta ayaa la wadaagay xaalada guud ee dalka gaar ahaan shuruucda hortebinta u leh guud ahaan dalka iyo shacabka Soomaaliyeed ee horyaala Golaha. Sidoo kale xubnaha Guddiga ayaa ka dooday isla-markaana ansixiyay Qaraarka Kuraasta ka Banaan Golaha Shacabka in la soo buuxiyo, si loo helo mataalada shacabka Soomaaliyeed.