Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS oo kulan la qaatay Ergeyga Gaarka ee Qaramada Midoobay,

302
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur oo maanta kulan la qaatay Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Catriona Laing iyo Wakiilka UNICEF Wafaa Siciid ayaa adkeeyay muhiimadda ay dowladda Soomaaliya siineyso ka hortagga tacaddiyada caruurta gaar ahaan askaraynta iyo xadgudubyada kale ee soo wajihi kara.
Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay iyo Wakiilka hay’adda UNICEF ayaa dhankooda bogaadiyay dadaalada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee la xiriira ilaalinta xuquuqda caruurta.