Mashruuca wajiga labaad ee dhismaha waddooyinka laamiga ah ee degmada Kismaayo ayaa si habsami leh u socda

278

Mashruuca wajiga labaad ee dhismaha waddooyinka laamiga ah ee degmada Kismaayo ayaa si habsami leh u socda, waxaana waddooyinkani ay kaalin wayn ka qaadanayaan isku socodka dadka iyo gaadiidka u kala goosha xaafadaha kala duwan ee magaalada.

Dowladda Jubbaland ayaa dadaal xooggan ku bixinaysa dhisamaha wadooyinka ayada oo qorshuhu yahay in magaalada Kismaayo la jaanqaaddo magaalooyinka kale ee dalka iyo gobolkaba Dhammaadka wajiga labaad iyo wajiga sadaax ee mashruuca Nagaad ayaa magaalada Kismaayo dhawaan ka dhigi doona magaalo hormarsan, qurux badan sidoo kalena qaabisha qurba-joog farabadan oo maalgashan doona, iyadoo aynu si hordhac ah u arkayno billowga mustqbalkaas wanaagsan ee ay Kismaayo dhabbiihiisii waa hore qaada.