Dhageyso:Maamulka Dhoobley oo Awaamiir ka soo saaray shirkadaha ka shaqeeya duulimaadyada rayidka ee shaqeeya magaaladaas.

247

Maareeyaha Guud ee Garoonka Diyaaradaha Degmada Dhoobley ee gobalka Jubbada Hoose Abdirizak Nuur Mohamed ayaa Digniin u diray shirkadaha diyaaradaha adeegga duulimaad ka fuliya degmada Dhoobley ee ka imaan jiray Kismaayo in ay keenaan caddeeyn buuxda oo ku aaddan joojinta duulimaadyadaasi, taas oo muddo istaagtay duulimadkii rayidka ahaa ee degmadaasi tagi jirey.

Maareeyaha oo wareysi gaar ah siiyey Radio Kismaayo Codka Jubbaland ayaa xaqiijiyay in caqabad weyn ay soo wajahday dadka isticmaali jiray diyaadahaasi ee u kala gooshi jiray Kismaayo iyo Dhoobley taas oo istaagtay muddo labo todobaad ah, isagoona xusay in shacabka Diyaaradahaasi ay ka cabanayaan gaadiid la`aanta dhanka hawada ah.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in ay diyaaradaha kale ee ka imaani jiray Muqdisho iyo gobolada kale ee Dalka maalin walbo imaadan dhoobleey.

Si kastaba ha ah

aatee shirkada diyaaraha ee lagu eedeeyey joojinta duulimaadyadaas oo aan isku deynay in aan weydiinno arrintaan ayaan inoo suura galin.