Maxkamadda Ciidamada Jubbaland ayaa maanta u fariisatay dhagaysiga koowaad ee garmaqalka kiis uu eedeysane ka yahay Ugaas Aadan Maxamed Geedi Cabdi 44 jir gacanta lagu soo dhigay isaga oo dagaalamaya islamarkaana horjooge u ahaa koox Argagixiso ah oo qorsheynaysay in weerar gaadmo ah ay ku qaadaan xarun ay ciidamada kulahaayeen deegaanka Yoontooy balse xogtooda oo laga warqabay halkaasi lagu fashiliyay qorshihii ay damacsanaayeen.
Eedeysanaha maanta Maxkamadda la horkeenay ayaa Argagixisada ku biiray sanadkii 2008-dii intii aan la qaban kahorna waxa uu Argagixisada uso qabtay dhowr shaqo oo kala duwan, qeybta aruurinta lacagaha badda ah ee bulshada laga qaado ayuu markii hore qaabilsanaa, waxaa loo soo badalay in uu qeyb ka noqdo waxa ay ugu yeeraan Jabhadaha kuwaas oo ay shaqadooda tahay fulinta weerarada gaadmada ah, kadib waxaa loo badalay kooxda madax jabiska ah ee shaqadooda ay tahay daadinta dhiigga dadka rayidka ah balse inta uusan shaqadaasi bilaabin waxaa gacanta ku dhigay Ciidamada Dowlada isaga oo dhaawac ah sanadkii 2021-ka.