Madaxweeyne ku xigeenka Dowlada Jubaland mudane H.E Mohamud Sayid Aden, Ayaa qadka Taleefanka kula hadlay Guddoomiyaha Jaaliyadda iyo Ardeyda Jubbaland ee dalka Masar, Mudane Osmaan Mohamed Osman Daqarre.
Gudomiyaha Jaaliyada iyo Ardeyda Jubbaland ee dalka Masar ayaa warbixin guud siiyay Madaxweynaha ugana warbixiyay xaaladda guud ee Jaaliyadda iyo Ardeyda Jubaland ee ku nool dalka Masar.
Madaxweyne kuxigeenka oo u kuur galayay xaaladda ay ku suganyihiin Jaaliyadda iyo Ardeyda Jubaland ee dalka Masar ayaa Warbixinta Guddoomiyaha kadib, waxa uu bogaadiyay Maamulka Jaaliyadda iyo Ardeyda Jubaland ee dalka Masar, Sida wanaagsan oo ay hoowsha u wadaan, Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa u mahadceliyay Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka sida ay oga war qabaan Jaaliyadda iyo Ardeyda Jubaland ee ku nool dalka Masar.