Sirdoonka Jubbaland oo gacanta ku dhigey dhagar qabe ay mudo raadinayeen.

324

Ciidanka Booliska degmada Dhoobley oo howlgal amni xaqiijin ah ka sameeyay xaafadaha degmada ayaa gacanta kusoo dhigay Xasan Ibraahim oo horay ugu biiray kooxda khawaarijta ah.

Dhagar qabahan oo hore ugu goostay Argagaxisada ayay muddaba daba socdeen laamaha ammaanka Jubbaland, isagoona hadba deegaan ku dhuumaaleysanayay, ugu dambeyna waxaa suuro gashay in ciidamada Booliska Jubbaland ay gacanta kusoo dhigaan.

Ninkaan iyo labo nin oo kale ayaa horay Dowladda Jubbaland ugala baxsaday gaari Land Cruiser Hardtop ah, waxayna ula galeen khawaarijta, laamaha amniga Jubbaland oo kaashanaya sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa waxaa horay ugu suuragashay inay magaalada Muqdisho kasoo qabtaan labadii kale oo hadda ku xiran magaalada Kismaayo.

Laamaha ammaanka Jubbaland ayaa marar badan sidan oo kale gacanta ugu soo dhigay kuwa khawaarijta gacan saar layeeshay oo isku dayay in ay bulshada isku qariyaan.