1335
Agaasimaha Guud ee Wasaarada Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Jubaland, Mudane Aden Garane oo ay weheliyaan Agaasimaha Guud ee Wasaarada Qorsheynta Jubaland, Gudoomiye ku xigeenka SODMA Somalia iyo Maamulka Degmada Doolow ayaa si diiran ugu soo dhaweeyay Degmada Doolow madax heer sare ah oo ka socday Hay’adaha Qaramada Midoobey ee Food and Agriculture Organization of the United Nations (FAO), United Nations OCHA iyo Xiriiriyaha Arimaha Gargaarka Soomaaliya, George Conway.
Wafdigaan heerka caalami ayaa waxaa ka mid ahaa ku xigeenka madaxa Hay’ada Cunada Aduunka, Marwo Beth Bechdol, Joyce Msuya oo ah Kalkaaliso Sare oo ka socotay Xafiiska Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, Wakiilka Soomaaliya ee Hay’ada UNOCHA, Mr. Crispy iyo George Conway oo ah Xiriiriyaha Arimaha Gargaarka Soomaaliya.
Wafdigaan ayaa soo booqday mashaariicda dib u soo kabashada ee ka socda duleedka Degmada Doolow oo ay ka faa’iideysanayaan dadka barakacayaasha ee degmadaas, kuwaas oo soo bandhigay natiijada mashaariicdaas.
Booqashadan ayaa ku soo aaday maanta oo ah 8 Maarso, kuna beegan Xuska Maalinta Haweenka Aduunka.
Ugu dambeyn, Shirka dhacay Xafiiska Gudoomiyaha Wasaarada Gargaarka ku soo bandhigtay baahiyaha hortabinta mudan sida xoojinta mashaariicda u gagsiga masiibooyinka, kuwa dib u kabashada iyo xalka waara IWM.
Dhinacooda, wafdiga ayaa balan qaaday in ay fariimaha dowlada meel dheer gaarsiin doonaan, iyagoo ku amaanay Jubaland isku xirnaanta iyo Dowlad wanaaga eey muujiyeen.