Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS ayaa kulan casho ah la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkan Maraykanka gaar ahaan caasimadda Washington DC iyo nawaaxigeeda.
Ra’iisul Wasaare Saalax ayaa jaaliyadda uga warbixiyay xaaladda dalka iyo guulaha wax ku oolka ah ee la gaadhay, isagoo usoo jeediyay qurbajoogga dalkan ku dhaqan inay dalka usoo laabtaan oo ka qeyb qaataan horumarrada socda.