Gudoomiyaha SoDMA oo kulan la yeeshay Ergayga Madaxwaynaha ee Xasilinta & Ilaalinta Arimaha Rayidka

307

– Gudoomiyaha Hay’adda SoDMA Maxamuud Macallin ayaa maanta xarunta hay’adda ku soo dhaweeyay Ergayga gaarka ah ee Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud u qaabilsan Xasilinta iyo ilaalinta arimaha Rayidka Mudane Cumar Xaashi.

Gudoomiyaha hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliyeed ee SoDMA ayaa ergayga kaga warbixiyay shaqada hay’adda, wuxuuna si gaar ah kaga hadlay sida ay hay’addu u gaartay dadka rayidka ah ee ku dhaqan goobaha laga xoreeyay Khawarijta, isagoo sidoo kale taabtay in inta badan ay hay’addu gargaar gaarsiisay goobaha la xoreeyay.

Ergayga Madaxwaynaha ee xasilinta iyo ilaalinta arimaha rayidka ayaa kaga mahadceliyay madaxda hay’adda soo dhawaynta loo sameeyay, isagoo ku nuux nuuxsaday sida ay muhiimka u tahay in Xafiiskiisa iyo Hay’adda SODMA ay yeeshaan wada shaqan xooggan oo ku saabsan sidii gargaar loola gaari lahaa dadka rayidka ah ee ku dhaqan deegannada iyo degmooyinka la xoreeyay.