
Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS, Mudane Xasan Macallin Maxamuud, ayaa maanta furay shirka la tashiga bulshada rayidka ah ee dib-u-eegista dastuurka oo ay ka qeyb galayaan bulshada labeenteeda,
Furitaanka shirka waxaa goob joog ka ahaa wasiiru-dowlada iyo wasiir ku-xigeenka Caddaaladda iyo arrimaha Dastuurka XFS, guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee dib-u-eegista dastuurka iyo guddoomiye ku-xigeenka guddiga la socodka iyo dib-u-eegista dastuurka,
Shirka oo ay soo qabanqaabiyeen hey’adaha dib-u-eegista dastuurka u xil-saaran ayaa ka qeyb galayaashu kusoo gudbinayaan taladooda ay doonayaan in lagu biiriyo cutubyada dastuurka ee baarlamaanku doodooda ku jiraan,
Share this Article