Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo si kulul uga hadlay damaca Itoobiya

303
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta soo abaabulay dibadbax ballaaran oo ay ka soo qeyb galeen mas’uuliyiin dhowr ah, kaasi oo lagu cambaareynayay damaca dowladda Itoobiya iyo Heshiis beenaadka ee ay la gashay Somaliland,
 
Dibadbaxa ayaa ka soo qeybgalay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS, Wasiiru Dowlaha Amniga, Xildhibaano ka tirsan BFS iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho,
 
Wasiirka Arrimaha Gudaha, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa ka hadlay dhibaatooyinka uu Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ka abuuray gobolka sanadihii la soo dhaafay, isagoo carabka ku adkeeyay in Heshiis beenaadkan uu ka dhigan yahay in uu “ictiraaafkii kala laabtay dowladda Soomaaliya,