Xafiiska QM ee Soomaaliya oo hambalyo u diray Dowladda Soomaliya ee ku biiritaanka EAC

379

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed u diray hambalyo diiran oo ku aaddan in maanta Dalkeenu si rasmi ah u noqday xubin ka tirsan Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika.

Qoraalka kasoo Baxay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Ayaa lagu yiri “Waa guul usoo hoyatay Soomaaliya oo ku aaddan kusoo laabashada saaxadda bulshada caalamka iyo la hawl galidda dariskeeda”