Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Shir gudoomiyay Kulanka golaha wasiirada

381
Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Shir gudoomiyay Kulanka golaha wasiirada oo lagaga hadlay saameynta fatahaadaha iyo daadadka ka jira deegaanada Jubaland iyo gurmadka ay Dowladu wado.
Wasaarada gargaarka iyo maareynta musiibooyinka ayaa laga dhageystay warbixinta xaaladahii u danbeeyay ee deegaanada mashaqadu ay ka jirto iyadoo Sidoo kale wasaaradu ay warbixin golaha ka siisay gurmadka socda iyo taakulada dheeraadka ah ee loo baahan yahay.
Dhinaca kale Waxaa shirka golaha lagu dhaariyay Xeer ilaaliyaha cusub Mudane Nuuradin Maxamed
Khaliif.