Wasiirka haweenka Khadiija Maxamed Diiriye oo magaalada Addis Ababa uga qeyb gashay Shirka Arrimaha Haweenka Africa

449

Wasiirka haweenka iyo xuquuqul insaanka xukuumadda federaaalka Soomaaliya Xildhibaan Khadiija Maxamed Diiriye ayaa xarunta midowga Africa ee dalka Ethiopia kaga qayb gashay shirkii 8-aad ee arrimaha haweenka Africa.

Shirkaan oo maanta ka furmay magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiirada haweenka Africa iyada oo shirkaas Soomaaliya ay ku matalayso Wasiir Khadiija Maxamed Diiriye.

Shirkan ayaa looga arrinsaday dar-dar gelinta iyo horumarinta arrimaha haweenka Africa, la dagaaalanka sabool-nimada iyo jahliga waxaana la isku wada raacay in dedaal xoog leh lagu bixiyo tayaynta iyo turxaan bixinta arrimaha haweenka.