
-Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan iyo wafdi uu hogaaminayo oo ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa yeeshay kulan hordhac u ah Shir Maanta ka furamayo halkaas.
Shirkaas oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Qorsheynta Jubbaland waxaa looga hadli doonaa sidii deeq-bixiyeyaasha loogu bandhigi lahaa Howlaha hortebinta u leh Dowladda Jubbaland, sida maalgashiga, amniga, ka hortagga aafooyinka sida El-Nino iyo arrimo kale oo muhiim ah.
Kulankan hordhaca ah waxaa Madaxweyne ku-xigeenka ku weheliyey Wasiirada Wasaaradaha Qorsheynta iyo Kaluumeysiga Jubbaland, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga Jubbaland, Wakiilka Jubbaland ee dalka Kenya, Gudoomiyaha Gobolka Jubbada dhexe, Agaasimeyaal iyo masuuliyiin kale.