Xeer ilaaliyaha Maxkamada Ciidamada Qeybta 21 aad Oo Kormeeray Ciidnaka Ku Sugan Furimaha Dagaalka

406

Xeer ilaaliyaha Maxkamada Ciidamada qeybta 21 aad ee Xoogga Dalka G/ sare Cabdulaahi Maxamed muuse kayse oo ay wehliyaan Guddoomiyaha Maxkamadda Degmada Wisil,Shiikh Cabdulaahi Cali Xayle iyo masuuliyiin kale ayaa kormeer waacagalin ah ugu tagay Rugaha  Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee sugan wisil

Ciidamadaan ayaa u diyaarsan Dagaalka Khawaarijta arxanka daran kaasoo looga saarayo degaanada ay kaga dhuumaleysanayaan koonfurta Gobolka Mudug.

Xeer ilaaliyaha Maxkamada Ciidamada qeybta 21- aad iyo masuuliyiintii kale ayaa wadajir ola dardaarmay Ciidamada Xoogga Dalka sigaara inay ilaaliyaan Hantida Qaranka ay garbaha ku sitaan sidoo kale u diyaar garoobaan Howlgalka

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Daraawiishta Galmudug iyo kuwa Deegaanka ayaa koonfurta Gobolka Mudug waxay ka wadaan Howgalo ka dhan ah khawaarijta arxanka daran ee Khawaarijta