Maxkamadda Ciidanka Jubbaland Oo Maanta U Fariisatay Dhageysiga Garmaqalka Kiis Dil ah.

372
Fadhigan ayaa ahaa garmaqalka koowaad ee kiis dil ah oo lixda bishii October sanadkii 2022-kii magaalada Kismaayo loogu geystay marxuum Maxamed Deeq Nuuna Saalax oo ahaa nin shacabka ah, waxaana kiiskan dilka ah lagu soo eedeeyey Maxamed Cabdullaahi Saciid oo ka tirsan Ciidanka Booliska Jubbaland.
Dhageysiga Kiiskan ayaa waxaa goobjoog ahaa Gudoomiyaha Maxkamadda Ciidanka Jubbaland G/sare Cabdullaahi Maxamuud Ibraahim, Garsooraha maxkamadda G/dhexe Bashiir Maxamuud Xareed iyo Xeer ilaaliyaha guud ee Maxkamadda G/dhexe Nuuradiin Maxamed Khaliif.
Xarunta maxkamada ayaa waxaa ku sugnaa eedaysanihi lagu soo eedeeyey in uu dilka geystay, Marqaatiyaal iyo ehelada labada dhinac ee maruumka iyo eedaysanaha.
Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidanka Jubbaland G/sare Cabdullaahi Maxamuud Ibraahim oo fadhiga soo xiray ayaa sheegay in dib la isugu soo laaban doono.