Madaxweynaha Jubbaland oo kullan la qaatay siyaasiyiinta mucaaradka ah ee Jubaland

529
Madaxweynaha Jubaland H.E Ahmed Mohamed Islaam ayaa xarunta madaxtooyada Jubaland casho sharaf ugu sameeyey siyaasiiyiinta mucaaradka ah ee Jubaland oo todobaadkan ku sugnaa magaalada Kismaayo, iyagoo iska xogg wareeystay xaaladda guud ee siyaasadda dalka iyo gaar ahaan raadinta midnimada iyo wadajirta shacabka reer Jubaland.
U diyaar garoowga xoreeynta deegaanada Jubaland ee ka maqan gacanta Dowladda ayaa ahmiyad gaar ah la siiyey si looga miro dhaliyo dadaaladda guud ahaan ka socda dalka, loogana guuleeysto kooxaha Khawaarijta ah ee dhibaatada ba’an ku haya ummadda Soomaaliyeed.