Ciidamada Amaanka Ee Boliiska Degmada Kismaayo oo soo bandhigay nin burcad ah oo bistoolad ku hubaysan

977
Ciidamada amaanka ee Boliiska degmada Kismaayo ayaa howlgal qorshaysan oo ay sameeyeen waxaa ay kusoo qabteen Maxamed Ismaaciil Cabdalla kaasi oo xiliyada habeenkii dhac ugaysan jiray dadka shacabka ah ee magaalada .
Maxamed ayaa dhaca bulshada u adeegsan jiray bistoolad taasi oo ay Boliiska kusoo qabteen xiliga howlgalka sida uu sheegay taliyaha waaxda barista danbiyada Jubbada hoose Dhame Cumar Maxamed Cabdi Xujaale.
falalka noocaan ayaa ah kuwa ugub ku ah magaalada kismaayo oo astaan u ah nabada dalka .