Deg deg:Bangiga dhexe ee Soomaaliya oo loo magacaabey 3xubnood

494

Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa magacaabay 3 xubnood oo kamid noqonaya Guddiga Sare ee Bangiga dhexe ee Soomaaliya, kadib markii ay dhawaan iscasileen xubno katirsanaa Guddiga Bangiga.

Xubnaha la magacaabay waxaa ku jira Wasiir ku xigeenkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Prof C/llaahi Sheekh Cali Qalloocow. Bangiga dhexe waxaa ka jira khilaaf muddooyinkii dambe kaasoo sababay in ay iscasilaan xubno kamid ah Guddiga Sare ee Bangiga Dhexe ee Soomaaliya.