Garoonka Diyaaradaha Magaalada Dhoobley oo horumarin lagu sameeyay

501
Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed mas’uuliyiin iyo howlwadeenno ka socdo ayaa maalmihii u dambeeyay howlo shaqo u joogay degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose.
Muddada ay ku sugnaayeen xubnahan Dhoobley, waxaa ay qabteen shaqooyin ay ugu horreyso; garoonka diyaaradaha Dhoobley oo lagu xiray qalabka hagida diyaaradaha, qalabka cimilada iyo tababbarro horumarin ah oo la siiyay howlwadeennada garoonka diyaaradaha ee Dhoobley oo ka mid ah garoommada ku yaalla xadka oo u shaqeeya duulimaadyo badan.
Mas’uuliyiinta ka socday Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ayaa ku ammaanay Dawlad-gobolleedka Jubbaland iyo waaxda Duulista doorkii farsamo iyo fududeyn ee ay ku lahaayeen shaqooyinka laga qabtay garoonka diyaaradaha Dhoobley.
Qorshaha qalabkan loogu xiray iyo horumarinta garoonka diyaaradaha ee Dhoobley ayaa qayb ka ah qorshaha ay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed oo ka mid ah kuwa ugu horreeya waddamada gobolka ay ku horumarinayso garoomada diyaaradaha Dalka, iyadoo horay qalabkan loogu rakibay garoommada ku yaal caasimadaha iyo magaalooyin ka tirsan Dawlad-gobolleedyada dalka.