Dhageyso:Gudiga barakacayaasha Jubbaland oo shaaciyay in 2,000-kun oo barakacayaal ah ay kasoo barakaceen Jamaame

559

Gudiga dadka ku barakaca iyo qaxootiga ee Jubbaland ayaa maanta shaaciyey in dad gaadhaya ilaa 2000 qoys oo barakac cusub ah ay soo gaadheen xeryaha barakaca ee deegaanada waqooyiga ka xiga magaalada Kismaayo ee Luglow, Kuwaas oo ku biiray xeryaha ceeljaalle kow iyo Ceeljaalle labo oo ay horay ugu jireen dadkii abaaraha ku xoolo beelay.
Gudoomiyaha Gudiga barakaca iyo qaxootiga Jubbaland Cali Adan Cali ayaa sheegay in dadkaas ay badan kooda ka soo barakaceen deegaano hoos imaada degmada Jaamame ee gobolka Jubbada hoose sababta xiligaan soo barakicisayna ay tahay fatahaad uu bishii Juun ee dhamaatay uu sameeyey webiga Jubba iyo dhibaatooyin kale oo dhinaca amniga ah oo ugu biiray.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in sidoo kale xiligaan dadka barakacayasha kuwa cusub iyo kuwii hore-ba ay u baahan yihiin taageero dhinaca hoyga ah Hay’adaha samafalka ay arintaas kala hadleen.

.