Ciidamada kala duwan ee Dowladda Jubaland oo u dhaqaaqay sidii ay kooxda Khawaarijta uga xoreyn lahaa deegaannada Jubbaland
Ciidamada oo muddooyinkii ugu danbeeyay ku jiray diyaargarow xooggan ayaa howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta ka bilaabay wadada xiriirisa Magaalooyinka Kismaayo iyo Afmadow oo kooxaha Khawaarijtu ku dhibaateyn jireen shacabka, gaadiidka ganacsiga iyo kan dadweynaha ee isaga kala goosha magaalada Kismaayo iyo degmooyinka gobolka ee dhinaca waqooyiga.
Howlgalladan ayaa waxaa si wadajir uga qeybqaadanaya ciidamada Daraawiishta iyo Nabadsugidda Jubbaland iyo ciidamada Kumaandooska Danab.
Shacabka Jubbaland ayaa soo dhaweeyay howlgallada Bilowday ee kooxaha Khawaarijta looga coreynayo goobaha ay shacabka ku dhibaateeyaan.